Posts

Showing posts from October, 2017

SABTIDDII MADOOBAYD W/Q MAXAMED SAALAX MAARRE 14/10/2017

Image
Goor sheegtu waxay ku beegnayd 12 duhurnimo, waxan isu diyaariyey siddii aan uga qayb qaaddan lahaa, qaddo sharaf ay igu casuntay gabadh walashay ah oo lagu magacaabo Basra, taas oo isoo sheegtay laba maalmood ka hor in ay maalinta sabtida ii qaddo samaynayso, intii aan diyaar garoobayey ayey saacaddu gaadhay wakhtigii salaadda duhur, kadib waxan door bidday in aan ku sii tukaddo xaafadda maadama ay aad u kala fog yihiin gurriga aan u qaddo tegayo iyo gurriga aan joogo, kadib markii aan tukadday salaaddii duhur ayaan ka baxay xaafadda saacadduna waxay tilmaamaysay 1-dii duhurnimo, aniga oo usii jeedda degmadda Shibis kana tegaya degmadda Wadajir oo ah, halka aan magaladda ka degenahay. Waddada oo mashquul ahayd darteed waxay igu qaadatay muddo hal saac ah siddii aan ku gaadhi lahaa degmadda Shibis oo ay igu sugaysay walashay Basra oo qaddo iigu samaysay halkaas. hadda saacaddu waa 2:07 PM waxan hor taaganahay gurrigii lay tilmaamay laakiin inta aanan soo gaadhin ka hor waxa albaabka ...