SABTIDDII MADOOBAYD W/Q MAXAMED SAALAX MAARRE 14/10/2017
Goor sheegtu waxay ku beegnayd 12 duhurnimo, waxan isu diyaariyey siddii aan uga qayb qaaddan lahaa, qaddo sharaf ay igu casuntay gabadh walashay ah oo lagu magacaabo Basra, taas oo isoo sheegtay laba maalmood ka hor in ay maalinta sabtida ii qaddo samaynayso, intii aan diyaar garoobayey ayey saacaddu gaadhay wakhtigii salaadda duhur, kadib waxan door bidday in aan ku sii tukaddo xaafadda maadama ay aad u kala fog yihiin gurriga aan u qaddo tegayo iyo gurriga aan joogo, kadib markii aan tukadday salaaddii duhur ayaan ka baxay xaafadda saacadduna waxay tilmaamaysay 1-dii duhurnimo, aniga oo usii jeedda degmadda Shibis kana tegaya degmadda Wadajir oo ah, halka aan magaladda ka degenahay.
Waddada oo mashquul ahayd darteed waxay igu qaadatay muddo hal saac ah siddii aan ku gaadhi lahaa degmadda Shibis oo ay igu sugaysay walashay Basra oo qaddo iigu samaysay halkaas.
hadda saacaddu waa 2:07 PM waxan hor taaganahay gurrigii lay tilmaamay laakiin inta aanan soo gaadhin ka hor waxa albaabka ama kadinka guriga ii taagan walal Basro iyadda oo aad isoo dhawaysay.
Isla markiiba waxan toos u gudda galnay qadadii aniga iyo qoraa Faarax Lamaane iyo gudoomiye Raaxeeye, oo aan wadda qadaynaynay, intii aanu qadaynaynay kaftan sheeko iyo qosol ayaan is waydaarsanay, anagoo aan weli qadadii ka kicin ayaa salaaddii casar la adamay, kadib waxyar oo sheeko ah waxay noqotay in aan isu diyaarino siddii aan u tukan lahayn salaadda Casar, laakiin inta anan salaadda gellin ka hor ayaa dhegahaygu magleen jug aad u wayn, "ALLAAAA, BISMILAAH, ALLE HA SAHLO, WAA QARRAX", waxa markiiba ay afkeedda ka soo baxeen Basra oo dhinaca bidix iga fadhiday.
Aniga ahaan waa markii igu horraysay ee aan qarax maqlo, cabsi xoog ah ayaan darreemay, waxana u qaatay in uu gurriga dhinaciisa ka dhacay, isla markiiba waxa lagu kala mashquulay lanbarka gacanta oo ninkasta wuxuu wacay qofkii uu suuqa ku tebbayey, isagoo ugu horayn waydiinayey "ma caafimaad qabtaa", kadibna waydiinayey xagee qaraxu ka dhacay, sidda caadada ah ee soomaaliddu taqaano iyagoon hubsan ayaa waxa na loo sheegay afar meel oo qofba uu u maleeyey inay halkaas tahay, Gudoomiye Raaxeeyey waxa loo sheegay in ay tahay Isgoyska lanbar afar, Basra waxa loo sheegay in ay tahay isgoyska Dabka, anigana waxa lay sheegay in ay tahay Isgoyska Shaqaalaha, oo dhamaantood kawadda tirsan Waddada Maka Al-Mukarama.
Hal daqiiqo gudahood ayaa facebook-ga la soo dhigay "QARAX BAA DHACAY, ALLE HA SAHLO, PRAY MUQDISHI, I.W.M".
Raad raadis baddan kadib waxan ogaanay in meesha qaraxu ka dhacay ay tahay Isgoyska Soobe oo ah meelaha ugu mashquulka baddan magaaladda Muqdisho, wakhtiga qaraxu dhacayna ay ahayd wakhti dad baddan meesha marayeen madaama ay ku beegan tahay wakhtiyadda shaqadda lagasoo baxo, wakhtiyadda jamacadaha laga soo baxo iyo wakhtiyadda ay dadku guryahooda ka soo baxaan.
Illaa salaadda maqrib laga gaadhayey waxan joognay Gurriga oo kamaanu soo bixin, laakiin waxa aad isoo wacayey, asxaabtayddii Muqdisho joogtay iyo asxaabtaydii Goboladda kale joogtay intaba, iyagoo iwaydiinaya in aan caafimaad qabo, aniguna waxan wacayey asxabtayda Muqdisho ku sugan si aan cafimaadkooda u waydiiyo, inkastoo hawaddu aad mashquul u ahayd, haddana inbaddan waan hellay oo waan la hadlay.
Markaan maqrib tukanay ayaan kasoo baxnay gurriga si aan u tagno Liido oo aan halkaas shaah yar uga soo cabno inta xaaladdu degayso.
Meherad ku taalla xeebta liido oo lagu magacaabo Beach View ayaan ugu tagnay Qoraa Cali Nageeye oo isaggu halkaas nagu sugayey wuxuuna noo sheegay xaaladda magaladdu inay qasan tahay caawa ilaa xili danbe laga qaadhayona aan la bixi karrin.
Kadib waxan gallay facebook-ga si aan faahfaahin uga hello khasaaraha qaraxa iyo xaaladda Magaladda.
Markiiba indhahaygu waxay qabteen dad soo qorraya in aad loogu baahan yahay Dhiig lagu shubo dadkii ku waxyeeloobay Qaraxa kaas oo loo rabbo si deg deg ah.
Naftayda ayaa su'aal i waydiisay taas oo ah adiga oo caawa dhiig shubi karraya oo caafimaadkaagu taam yahay kawaran haddii qof walalkaa ah oo dhiigaaga u baahan ay naftu kaga dhacdo dhiigaas dartiis?.
Miyaanay denbi wayn kugu ahayn middaasi?, wax la shubo oo la sadaqaysto dhiig baa ugu qiima baddan e maad khayrka u kacdid?.
Isla markiiba waxan gaadhay go'aan deg deg ah oo ah in aan tago cisbitaaladda dhibanayaasha la geeyey ee looga baahan yahay dhiiga, kuwaas oo ah Madiina, Banaadir iyo Kal Kalaal Hospital.
Laakiin waxa lay sheegay in aan waddada la marri karrin oo suuqu xidhan yahay, hase yeeshee waxan ku dhega adaygay in aan kacno oo aan khayrkaas iyo ajarkaas soo shaqaysano intii u baahan dhiigna aan ku caawuno intii u baahan garrabna aan siino dareensiinona in aan la dareensanahay xanuunka iyo dhibaatadda.
Ugu danbayn waxan ka soo baxnay Beach View anagoo soo lugayna ilaa 3Km madaama aanay jirin bajaaj shaqaynaysa, mardanbe ayaan hellnay mid shaqo doon ah, kadib waan kiraysanay waxayna na gaysay, DAARUL SHIFA hospital oo saarran wadada Maka Al-Mukarama, waxaanu waydiinay ma loo baahan yahay dhiig, waxayna noo sheegen in dhiig baddan oo ay ku deeqeen walalo Soomaaliyeed uu yaallo dhakhtarka, laakiin loo baahan yahay hal dhiig oo noociisu yahay O-, laakiin nasiib darro intii meesha joogtay midna waa noqon waayey.
Kadib waxan ku tashanay in aan lug ku tagno cistibaalka Madiina, Banaadir iyo Kal Kaal oo sidda la sheegay iyagu u baahan dhiigga isla markaasna aan sii marno halkii qaraxu ka dhacay Galabta.
Waxan lug kaga dhaqaaqnay TARAY-BIYAANO waxan ku tagnay ilaa Cisbitaal Maddiina iyo Cisbitaal Banaadir, anagoo ku horaynay Madiina, laakiin ka hor inta anan gaadhin waxan sii dhex marnay halkii qaraxu ka dhacay oo ahayd Isgoyska Soobe, inkastooy waddadu xidhnayd oo dadka loo diidayey in ay dhex tagaan meesha qaraxu ka dhacay, haddana xeellad ayaan ku dhaafnay, inta anan soo gaadhin meesha waxa markiiba sankayga urtiisa kusoo dhacay dhiig iyo diiq isku dhafan oo yeeshay ur gaara oo anan horre u urin.
Inyar baan soconay waxay indhahaygu qabteen gawaadhi iyo dabaqyo meesha ku yaallay oo dhamantood aad u bur buray, markasta oo aan talaabo qaado waxan dhaafaya hooyo soomaaliyeed oo wel wel, daal, murugo, iyo diif xoogan ka muuqato kuwaas oo raaddinaya ubadkooddii oo aanay meelna ku ogayn isla markaasna meesha u yimi siddii ay uga dhex eegi lahaayeen maydadka meesha yaalla oo aad u fara badnaa.
Tallaabo kasta oo aan qaaddo waxan lugta dhigayaa dhiig iyo biyo laamiga ka sareeya oo sidda daadka u soconaya, marka aad dhex marayso meesha qaraxu ka dhacay isma odhanaysid halkani waa Isgoyskii Quruxda Badnaa ee Soobe, waa isgoyskii mashquulka badnaa ee Soobe, waa isgoyskii laydha qabow iyo neecowdu ka dhici jirtay, waa isgoyskii ay ku yaalleen meheraddaha iyo Carwooyinkii aadka u quruxda badnaa, waa isgoyskii aad ku arki jirtay gabdhaha quruxda baddan iyo wiilasha lebiska wanaagsan leh, ee qaarkoodna jaamacadaha u socday, qaarkoodna shaqooyinka ka imanayey.
Halkaas markaan marayey waxa is bedeshay shucuurtaydii ku darsoo weli maan arag wax mayd ah oo waxay ii jirraan ilaa toban talaabo, laakiin waxan aad uga naxay burburka iyo khasaaraha soo gaadhay waddada, gadhiidka iyo dadkii meesha marayey, inyar haddan soocday waxan gaadhay halkii ay yaalleen maydadku waxay indhahaygu qabteen dad gubtay oo lafihii keliya ka soo hadheen iyo dad goo go'ay oo xubnahooddii qaar maqan yihiin, siddoo kale waxay indhahaagu qabanayaan, madax, lug, gacan, calool, iyo xubno kale oo gaar gaar u yaalla.
Hooyo kasta oo qof ka maqan yahay markay halkaa soo istaagto waxay wadna xanuun ka qadanaysaa sidday dadku u goo go'een isla markaasna aanay ka dhex garran karrin qofkii ay raadinaysay.
Anigu waan is bedellay caloosha ayaa i xanuuntay, waan yara dawakhay dhiigii ii urayey iyo maydhkii meesha yaallay ayaa iga awood batay sidda darteed waan taagnaan karri waayey, waxan deg deg ugu dhaqaaqay dhankii cisbitaalka aan u socday aniga oo leh (INA ILAAHI WA INAA ILLAYHI RAAJICUUN).
Waxayna ahayd markii ugu horaysay noloshayda ay indhahaygu qabtaan dhacdo siddan u xanuun baddan iyi markii ugu horraysay aan arko maydad intaas tiradoodu le'eg tahay siddaa darteed ayaan u dawakhay.
Waxan toos u abaaray cisbitaal Banaadir si aan ugu shubo dhiigayga oo noociisu yahay O+, si loogu shubo qof kale oo u baahan, waxan gaadhay cisbitaal Banaadir, waxan gudaha u galnay dhismaha Cisbitaalka, waxan muddo yar oo daqiiqado ah raadinaynay, qof naga caawiya oo noo sheega halka dhiiga lagu shubayo, ugu danbayntii waxan la kullanay gabadha Kalkaaliso (Nursing) ah oo dhakhtarka joogtay, waxan waydiinay xagee dhiig ku shubnaa, waxay noogu jawaabtay inyar i suga waxay wacday wiil na loo sheegay in uu u qaabilsan yahay qaybta kaydka dhiigaga ee cisbitaalka, wuxuu u sheegay in uu imanayo wakhti yar kadib oo uu dhakhtarka ka maqan yahay.
Inyar haddaanu fadhinay oo aan arki waynay wax soo socda wakhtiguna is gurayo waxan go'aansanay in aan tagno cisbitaal Madiina, oo haddii loo baahan yahay halkaas kusoo shubno haddii kalena, dhakhtarkan ku soo laabano.
Qadar daqiiqado ilaa 10 daqiiqo qiyaastii ah kadib waxan gaadhnay Madiina, isla markiiba waxay indhahayagu qabteen, askartii madaxtooyadda oo meesha dhooban, Haa waa iyagii, taasi waxay cadaynaysaa qof dawladda ka tirsan baa ku jirra cisbitaalka, waan soo galnay waxan toos u abaarnay, halkii dhiiga lagu shubayey, waxan ugu tagnay dhalinyaro baddan oo naga soo horaysay oo al baabka taagan iyagoo ka cabanaya in loo diiday inay gudaha gallaan, sababtuna ay tahay waxa gudaha ku jirra Gudoomiyaha gobolka Banaadir, iyo taliyaha Nabad Sugida, oo dhiig shubaya, dhalinyaradda meesha taagnayd mid kamid ah ayaan la sheekaystay wuxuu ii sheegay in isagoo gudaha ku jirra ay soo gallen madaxdu kadibna banaanka loo soo saarray isaga iyo dhalinyaro uu ku jirray.
Wakhti yar kadib way soo baxeen waxana na loo ogolaaday in aan gudaha galno laakiin nasiib darro waxa naloo sheegay in an dhiig loo baahnayn haba yaraatee, qofkii u baahan in uu dhiig shubo subaxa ha yimaaddo ayuu sii raaciyey, waxan is waydiiyey nin dhalinyaro ah oo soo lugeyey muddo saacad iyo badh ah u socday in uu sadaqo u bixiyo dhiigiisa marka lagu yiraahdo hadda waxba ma shubi karno e subaxa kaallay muxuu dareemi karra.
Aad baan uga xumaanay hadalkaas, si deg deg ahna waxan uga soo baxnay cisbitaalka, waxaan toos u abaarnay cisbitaalka Kal-Kaal oo aan siddaa uga sii fogayn isgoyska Banaadir. Wakhti yar kadib waxan gaadhnay cisbitaalkii, ka hor inta anan tegin qaybta kayd ka dhiigaga ayaa waxan soo booqanay Abwaan Nageeyey oo ku dhaawacmay qaraxii gallabta dhacay isagoo wax ka noqday dhabarka, waxan illahay uga barinay isaga iyo intii dhibtu soo gaadhayba in illahay caafiyo intii ku dhimatayna illahay naxariistiisa ka waraabiyo.
Kadib waxan tagnay qaybihii kalle oo cisbitaalka, gaar ahaan qaybta kaydka waxan helnay wiilkii u qaabilsanaa kaydka dhiigaga, kadib waxan u sheegnay in aan u baahanahay in aan dhiig ku sadaqaysano, wuxuu nagu yiri isuga waan idin soo labanaya, alaabyar oo iga maqana walay keenaya e, "Haye marxabah walal", waxan fadhiisanay kursaan meesha taallay, intuu nagu soo noqday ayuu naga qaaday dhiigag yar yar si uu usoo baadho, asxaabta aan garanayn dhiigooda noociisana uu ugu sheego, anigu markiiba waxan gallay facebook-ga si aan bal u eego wax war bixin ah oo iga danbaysay kadib waxan arkay qofkasta oo soo dhigaya dhiig baa looga baahan yahay cisbitaaladda fadlan taga oo soo shuba, halkaas markay maraysay waxan xasuustay maahmaahdii ahayd labo kala barriday kala war la', aniga iyo kooxdii aan wadda soconay labo saacadood ayaan u wareegaynay meel aan dhiig ku shubno oo waxan tagnay cisbitaaladda la sheegayo inay dhiig u baahan yihiin laakiin ma hellin, dadkana waxa loo sheegaya in baahi wayn loo qabo xataa meesha aan fadhino oo ah Kal Kaal cisbitaal wuxuu noo sheegay in aanay dhiig u baahnayn laakiin ay anaga na tix gelinayaan.
Saacad ayaan meeshii ku sugaynay dhakhtarkii, ugu danbayntiina wuu noo yimi, isagoo qalabkiisii sita wuxuuna noogu yeedhay mid mid , isla markaasna waxan toos u bilownay dhiig shubis, aad ayaan u dawakhay ama u wareeray anigu maxaa yeellay waxay ahayd markii ugu horaysay aan dhiig shubo, waxana layga shubay 500.
Muddo yar kadib waxan kusoo noqday gurrigaygii saacaduna waa 2:00 habeenimo, ama xiliga loo yaqaano saq dhexe.
ILLAHAY UMADDA SOOMAALIYEED HAW GAR GAARO INTA DHIMATAYNA ALLE HAW NAXARIISTO.

Comments
Post a Comment