MUQDISHOOY MAHADSANID W/Q MAXAMED SAALAX MAARRE

Waxay ahayd 13/Sept/2017, markii iigu horaysay ee aan arkay ama dhex tegay magaladda Muqdisho, aniga oo u tegay safar dheer oo aan dhulka Soomaalidda oo dhan ku baranayey kaas oo aan ugu magac darray (NABAD & JACAYL), ujeedkiisuna ahaa dal barasho iyo dad beerasho, ka hor inta aannan ka degin garoonka diyaaradaha Adan Adde Airport, waxaan soo maray magaallooyinka ay ka mid yihiin Hargaysa, Berbera, Burco, Garoowe, Qardho, Boosaaso, Hadaaftimo, Badhan, Ceergaabo, Dhahar, Laascaanood, Buuhoodle, Eyl, Gaalkacayo, Cadaado, Beledwayne, Iyo Boorama oo ahayd halkii aan safarka ka soo Bilaabay, dhamaantoodna waxaan ku soo qaatay wakhti qiimo badan. Magaladda Muqdisho waxan ku sugnaa muddo ku dhaw laba bilood muddadaas aan ku sugnaa magaladda waxan ku bartay asxaab aad u tiro baddan, siddoo kale waxan ku arkay waxyaabo aan aad ulla yaabay, kuwo aan ka naxay, iyo kuwo aan ku farxay intaba, Muqdisho intii aan ku sugnaa waxan hellay hanti lacag...