MUQDISHOOY MAHADSANID W/Q MAXAMED SAALAX MAARRE
Waxay ahayd 13/Sept/2017, markii iigu horaysay ee aan arkay ama dhex tegay magaladda Muqdisho, aniga oo u tegay safar dheer oo aan dhulka Soomaalidda oo dhan ku baranayey kaas oo aan ugu magac darray (NABAD & JACAYL), ujeedkiisuna ahaa dal barasho iyo dad beerasho, ka hor inta aannan ka degin garoonka diyaaradaha Adan Adde Airport, waxaan soo maray magaallooyinka ay ka mid yihiin Hargaysa, Berbera, Burco, Garoowe, Qardho, Boosaaso, Hadaaftimo, Badhan, Ceergaabo, Dhahar, Laascaanood, Buuhoodle, Eyl, Gaalkacayo, Cadaado, Beledwayne, Iyo Boorama oo ahayd halkii aan safarka ka soo Bilaabay, dhamaantoodna waxaan ku soo qaatay wakhti qiimo badan.
Magaladda Muqdisho waxan ku sugnaa muddo ku dhaw laba bilood muddadaas aan ku sugnaa magaladda waxan ku bartay asxaab aad u tiro baddan, siddoo kale waxan ku arkay waxyaabo aan aad ulla yaabay, kuwo aan ka naxay, iyo kuwo aan ku farxay intaba, Muqdisho intii aan ku sugnaa waxan hellay hanti lacag ka qiima baddan, hantidaas oo ah in aan hellay walaalo aad u tirro baddan, oo ay afkaar iyo ahdaaf na mideeyeen kuwaas ii si kal furran magaladda iigu soo dhaweeyey iiguna sii sagootiyey.
Runtii aniga oo aad u murugaysan ayaan kasoo tegay magaladda, maxaa yeellay waxan darreemayey in aan ka fogaanayo ama ka safrayo saaxiibo qaali igu ah iyo magaallo aan la qabsaday nolosheeda iyo hawadeeda intaba.
Qalbigayga qolalka igu qiimaha baddan ayey ii gashay maalmihii aadka u qiimaha badnaa ee aan xamar ku soo qaatay iyo bulshaddii aan halkaas isku soo barranay.
Waxaan soo arkay muqdishooyin baddan laakin qofka aan hore u arag wuxuu yaqaana muqdishadda qaraxu ka dhaco ama dadku ku dhintaan, laakiin anigu waxaan wakhti fiican ku soo qaatay muqdishadda quruxda baddan ee aduunka la tartamaysaa, waxaan wakhti ku soo qaatay muqdishadda horumarka nabadda iyo neecawda quruxda baddan leh, laakiin muqdishadda qaraxu ka dhaco hal mar ayaan maqlay ama arkay wakhtigaa soo ahayd 14/october/2017 (MASIIBADDI SOOBE).
Maalmihii ugu danbeeyey ee aan soo baxayey waxa kullamo qurux baddan oo sagootin ah ii sameeyey dhalinyaro aad u qiima baddan oo wakhtigu na walaaleeyey kuwaas oo isugu jirray ururo Bulsho ay ka mid ahaayeen (Ubaxa Caasimaddda, Naadiga Benaadir, Ururka Daryeel Bulsho, Naadiga Maskaxshiil, iyo dhalinyaro madax banaan intaba.
Abaalkiina ma guddi karo laakiin wuxuun baan idin leeyahay illahay janadda hanagu kulmiyo dhamaanteen.
Ugu danbayn waxaan ku soo laabtay Magaaladdii Barakaysnayd ee Hargaysa, maalmo yar kadibna waxan tegi doona Magaladda Boorama oo aan markii horeba safarkayga ka soo bilaabay.
Reer Muqdisho dhamaantiin Waad mahadsan tihiin, insha allah haddii eebe ii ogolaaddo waan idiin soo laaban doona laakiin wakhtigay noqonayso illahay oo keliya ayaa og ana waan rajaynaya insha allah.
Maxamed Saalax Maarre
#WAKHTIGII_MUQDISHO.
Comments
Post a Comment