IGA RAALI AHOW: W/Q Maxamed Saalax Maarre

Magaca Derisigg a IGA RAALI AHOW.. 12 erey oo ay ka kooban tahay kelmedda Iga Raali Ahow waa asaaska jacaylka dhabta ah, waxay kuu fududaynaysaa inaad ku nolaatid farxad iyo jacayl aan dhamaan hadii rabbi raali ka noqdo. Isku day inaad afkaaga bartid sida loo raali geliyo qofka aad jeceshahay hadii uu khilaaf dhexdiina yimaado ha eegin oo ha raadin yaa khaladka sabab u ahaa hadii aad khaldan tahay xata isku day inaad qofkaas ku tiraahdo iga raali ahow oo aad dejisid si uu qofkaasi u dareemo inaad si dhab ah u jeceshahay.. Markasta oo aad samaysid shay aanu qofkaasi raali ka ahayn isla markaasna aad wejigiisa ka dareentid inuu kaa cadhooday isku day inaad ugu horayn si dareen ah ugu tiraahdid "Waan khaldamay iga raali ahow" maxaa yeelay wuxuu dareemi doona in aadan tahay bini aadam khaldamay, khaladkiisiinna kasoo noqday.. Hadii qofka aad jeceshahay uu khalad kugu sameeyo isla markaasta uu isku dayo inuu khaladka adiga dusha kaa saaro isagoo ka baqaya inuu qirto khaladkii...