IGA RAALI AHOW: W/Q Maxamed Saalax Maarre
Magaca Derisigga IGA RAALI AHOW..
12 erey oo ay ka kooban tahay kelmedda Iga Raali Ahow waa asaaska jacaylka dhabta ah, waxay kuu fududaynaysaa inaad ku nolaatid farxad iyo jacayl aan dhamaan hadii rabbi raali ka noqdo.
Isku day inaad afkaaga bartid sida loo raali geliyo qofka aad jeceshahay hadii uu khilaaf dhexdiina yimaado ha eegin oo ha raadin yaa khaladka sabab u ahaa hadii aad khaldan tahay xata isku day inaad qofkaas ku tiraahdo iga raali ahow oo aad dejisid si uu qofkaasi u dareemo inaad si dhab ah u jeceshahay..
Markasta oo aad samaysid shay aanu qofkaasi raali ka ahayn isla markaasna aad wejigiisa ka dareentid inuu kaa cadhooday isku day inaad ugu horayn si dareen ah ugu tiraahdid "Waan khaldamay iga raali ahow" maxaa yeelay wuxuu dareemi doona in aadan tahay bini aadam khaldamay, khaladkiisiinna kasoo noqday..
Hadii qofka aad jeceshahay uu khalad kugu sameeyo isla markaasta uu isku dayo inuu khaladka adiga dusha kaa saaro isagoo ka baqaya inuu qirto khaladkiisa isku day inaad ku tiraahdid "Macaan waan khaldamay e iga raali ahow" markaas kadib wuxuu dareemi doona inaad tahay qof dulqaad badan wuxuuna ka qoomamayn doona maxaad khaladkaas u samaysay kadib wuxuu isku dayi doona inuu ku raali geliyo isagoo aan ku eegi karin xishood dartiis.
Adigu markasta ahow kan raali geliya qofka uu jecel yahay baro oo ku dhaqan ku dhawaaqida kelmedda 'Iga Raali ahow', waxa hubaal ah inaad noqonaysid qof qalbigiisu nadiif yahay isla markaasna ku qanacsan halka uu doonayo inuu nolosha ka gaadho.
Isku day oo barro inaad markasta qancisid qofka aad donayso inaad nolosha la qaybsato gaar ahaan wakhtiga uu khalad idin soo kala dhex gallo adiga oo si dareen leh ugu odhanaya "Waan khaldamay e Iga raali ahow"...
Ogow jacayl ka dhabta ahi waakan labada qof is raali geliyaan wakhtiyada adag ee noloshooda soo mara.
....
Maxamed Saalax Maarre
#SHARE

Comments
Post a Comment