JACAYLKII AGOOMOOBAY W/Q MAXAMED SAALAX MAARRE
JACAYLKII AGOOMOOBAY
Ugu horayn waxay ku kulmeed siminaar looga hadlayey gudniinka fircoonigga ah, waxay ahayd maalintii koowaad ee ay kulmaan labadooda indhood isla markaasna uu mid ba mid ka kale xiiseeyo siddii uu ku baran lahaa.
Kulankoodu wuxuu ahaa sadexdii maalmood ee siminaarku socday, lakin isaggu wuxuu ku dhiiraday in uu la hadlo maalintii uu soo xidhmayey siminaarku, iyaduna weji wanaagsan bay ku aqbashay, waa lays bartay in yar oo kaftan ahna walays waydaarsaday, xili kaftanku socday ayuu u hoos geliyey meel uu kala soo xidhiidhi karo haddi ay is waayaan, iyadduna reer magaal bay ahayd oo daran doori bay ugu yeedhisay todobaddi lanbar ee ay sidatay iyo facebook-ga nuqulka ay ka isticmaasho, Gobanimo!.
Maalintaa wixii ka danbeeyey waxa bilaabmay xidhiidh xiise iyo kaftan joogto ah wata, midba midka kale dhankiisa ayuu u soo badanayey, midkasta waxa ka awood waynaaday xiisaha uu kan kale u qabo iyo weliba jacayl yar oo aan afartankii ka bixin.
Habeen ayuu casho ku balamiyey si uu ugu cadeeyo sida uu u rabo in ay nolol wadaagaan, iyaduna wayba ku qanacsanayd in ay isaga la kulanto oo ay weliba wakhti la qaadato siddaa darteed iyadoo raali ah bay ka aqbashay in ay kulmaan.
Habeenkii si wanaagsan ayey u kulmeen, caways farxadiisa wata ayaa ka dhacay madashii ay indhahooda iyo dareenkooduba ku kulmeen, maadaama qalbiyadoodu markasta wadda joogaan.
Kadib wuxuu damcay in uu u sheego jeeddada uu meeshan ugu yeedhay, iyadduna diyaar bay ba u tahay oo dhegteeddu waxay sugaysa kelmedaha afkiisa ka soo socda, mar keliya ayey wadda amuuseen jabaqdii iyo qosolkii ayaa si yar ku demay, muddo yar oo daqiiqado ah ayey indhahooda iyo dareenkoodu wada hadlayeen, oo uu mid ba midka kale eegayey.
Kadib isagii ayaa sheekadda bilaabay wuxuuna ku bilaabay ereyo kalgacayl iyo naxariisi ku dheehan tahay, kuwaas oo u dhignaa sidatan,
"Walal ugu horayn waan ku faraxsanahay jacaylkaaga, siddoo kale farxad bay ii tahay in aan maanta garabkaaga joogo waxan jeclahay in aan abuurno nolol ay farxad iyo fur furnaan ka muuqato e, sidee u aragtaa".
Habeenkaas wuxuu ka mid ahaa habeenaddi nolosheeda ugu farxadda badnaa, si kalsooni ka muuqato ayey hadalka ula wareegtay iyadoo xishood baddani ka muuqdo laakiin farxad darteed duulli gaadhay, waxayna tiri
"Waan ku soo dhawaynayaa mar labaad siddoo kale jacaylkaagana waan soo dhawaynayaa".
Halkaas ayuu ka bilaabmay jacaylkii dhex marray labadooda mid kastana wuxuu guriga ku laabtay isagoo aad u faraxsan.
Intaas kadib waxa bilaabmay maalmo aad u iftiin baddan iyo jacayl aad u dareen baddan, waxay noqdeen laba qof oo iyagu isku filnaaday haddi uu midkood farxad u baahdo marka uu kan kale hadalkiisa naxariista leh maqloba wuu iska farxaayey si bilaa shuruud ah, sidoo kale waxay noqdeen laba qof oo iska weheshada caqabad kasta oo noloshu leedahay, waxayna wadda qaateen wakhti aad u qiima baddan, habeenka ay kulmayaan waxaad moodaysay in janaddii loogu bishaareeyey, mar marka qaar iyadu way qaylin jirtay farxad darteed isaguna wuxuu ku farxi jiray sidda ay gacalisadiisu ugu faraxsan tahay.
Jacaylka habeenkaa abuurmay wuxuu socda muddo afar sano ah, inkastoo ay jireen isku dhacyo baddan oo dhexdooda ka abuurmay muddadii uu socday xidhiidhku, iyo khilaaf soo kala dhex gallay labadooda lakiin isku dhacyadaasi ma ahayn kuwo dhibaato u gaystay jacaylkooda e wuuba isu soo dhawaynayey.
Hadda iyada iyo isaguba waxay diyaar u noqdeen in ay xidhiidhkooda umadda u soo bandhiggaan oo ay noqdan reer dhamaystiran oo kusoo biira islaamka, laakiin taas waxa hor taagan caqabad yar oo ah u diyaar garow balaadhan maxaa yeelay waxay isla af garteen in ay dhigtaan aroos balaadhan oo laga dareemo dhamaan geyigga soomaaliddu degto oo dhan.
Dabcan culayska oo dhan wuxuu dusha ka saaran yahay isaga maxaa yeelay waa odaygii reerka, laakiin iyadu kumay eegin e waxay ahayd mid dedaal baddan samaynaysa, waxkastana u samaynaysa in ay garab is taagto jacaylkeedda.
Dhanka kale hooyo Faadumo waa hooyadda dhashay gabadha waana qof go'aan adag leh sidoo kale way kulushahay laakiin aad bay u qalbi wanaagsan tahay.
Labaadii lamaane ee guurka ku balansanaa waxay go'aan ku gaadheen in ay wakhtiga guurka qorsheeyaan, isaga ayaana balan qaadday in uu keeni doono kharashka ku baxaya arooskooda waxkasta haku qaadatee.
Waxay balameen habeenka jimcuhu soo gelayo caawana waa arbaca laba habeen ayaa kulankooda ka dhiman, waxaad ba mooda in habeenka jimcaha la aroosanayo maxaa yeelay waxay gashay diyaar garow aad u balaadhan, waxay ahayd habeen ay farxadeedu aad u laban laabmatay sababtoo ah waxay la bahoobaysaa qofkii ay aduunka ugu jeclayd.
Daqiiqado yar ka dib ayey hooyadeed u yeedhay waxayna u sheegtay arin aad iyo aad uga yaabisay, siddoo kale waxay ku war gelisay in ay iska joogto meelkasta oo ay u socotayba maxaa yeelay waxa meesha soo gashay arin ka wayn tii ay u socotay.
Marka ay hadalkan u shegayso waxay gacanta ku sidataa lanbarkeedi gacanta oo intuu soo dhacay ayey qabatay kadib ayaa loo sheegay fariintan.
Isla markiiba waxa dhacay wadnaha wayna miyir beeshay, waalagu soo yaacay waana laga qaaday halkii ay ku dhacday waxa la jiifiyey qolkii fadhiga, daqiiqado yar ayuu isku bedelay guriga jawigiisu dhamaan dadkii guriga joogay waxay noqdeen in ilmaynaysaa oo qaylinaysaa naxdin darteed iyo in aamusinaysaa kuwan qaylinaya.
Saacaddo kooban kadib way kasoo baxday koomadii iyada oo bilaa awood ah afkeedana waxa ka soo baxayey hadalo qiiro leh runtii way ilmaynaysaa waxayna ku dhawaaqaysaa hebel kumee kumee.
Sheekadda ay hooyadeed u sheegtay ayaa ah in jacaylkeeddii uu wadnuhu istaagay isaga oo kasoo baxaya guriga uu magaaladda ka degen yahay.
Runtii way aamini wayday qofkii ay u socotay oo ay caawa la ballan sanayd in uu wadnuhu istaagay iyadoo xataa ilawday in dhimashadu ay qadar tahay oo illahay hayo qofkii wakhtigiisu dhamaadona uu dhimanayo meelkasta iyo marxalad kasta oo uu ku sugan yahay.
Waxay gashay xaalad deg deg ah xataa way awoodi wayday inta ay kacdo in ay geeridda tagto maxaa yeelay awooddii jidhkeeda ayaa dhacsan.
Iyadda hooyadeed waxay aad uga naxday xaaaladda ay ku sugan tahay gabadheedu.
Muddo ayey qaadatay siddi ay uga samri lahayd jacaylkeedi qadartu kala kaxaysay muddo ayey qaadatay siddii ay u ilaawi lahayd maalmihii xasuusta lahaa ee ay soo wadda qaateen runtii.
Ugu danbayn waxa khasab ku noqotay in ay illahay dartiis uga samirto, laakiin waxay ballan la gashay nafteeda kaas oo ah in aanay jacayl danbe samayn calafka rabbi oo albaabka soo istaaga mooyaane.
Ilaa haddana waxay ku nooshahay nolol keli ah..

Comments
Post a Comment