WAX KA BARRO TAARIIKHDA BUUHOODLE W/Q MAXAMED MAARRE
Buuhoodle waxay magaaladda Burco u jirtaa 250 KM, siddoo kale Buuhoodle waxay mahaladda Laascaanood u jirtaa 155$, magaladda Gaalkacayona waxay u jirtaa 255 KM, laakiin waddada Gaalkacayo loo maraa waxay ka gudubtaa xuduuda itoobiya iyaddoo halkaas kaga dhacda Gaalkacayo.
Magaaladda Buuhoodle waxay leedahay tariikh aad u fac wayn,
Ugu horayn sida ay ii xaqiijiyeen odayaal deegaanka ah, magaca Buuhoodle asal ahaan waxa la yiraahdaa BALLI ku yaala duleedka magaladda kaas oo jiray ilaa labo qarni wakhtiyaddii horena Soomaaliddu aad uga cabi jirtay, sidoo kale balligaas waxa ku dhashay Alle haw naxariistee Abwaan Cali dhuux Aadan, haddana wuxuu ku aasan yahay baligga dhinaciisa, laakiin magaladdu waxay dhisan tay 1954-tii intii ka horaysayna Balligaas aya la odhan jiray Buuhoodle.
Magaaladda Buuhoodle dadka ku nool intooda baddan waa xoolo dhaqato, taariikh ahaana waa magaaladda ugu baddan ee ay ku dhasheen abwaaniintii soomaaliyeed, kuwoodii ugu magaca dheeraa, waxana ka mid ah
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, oo ku dhashay meel 23 KM u jirta magaladda Buuhoodle oo la yiraahdo UBI KALAX lakiin dadku halkaas aad uma yaqaaniin e waxay garanayaan meesha la yiraahdo SAC MA DEEQA oo inyar u jirta halka Sayidku ku dhashay.
Cali Dhuux Aadan
Ismaaciil Mire
Samatar Baxnaan
Aadan Yuusuf (Aadan Carab)
Cumar Cigaal
Axmed Nuur Aadan (Axmed Dirir)
Af-Dabool Aadan Galaydh
Xaaji Khaliif Aw Axmed.
iyo qaar kale.
Cimilo ahaan Magaalladdu waa kulayl habeen iyo maalinba, shirkadaha magaaladda ka shaqeeyaa waa Telesom, Golis iyo Somtel, lacagta ay dadku wax ku kala iibsaddaan waa shiling Soomaaligga, laakiin lacagaha Xawilaadda mobaylka waxa lay sugu diraa Adeegga ZAAD, oo ay gaar u leedahay Shirkadda Telesom.
Magaaladda waxa ka jira shirkad soo saarta biyaha la safeeyey oo lagu magacaabo AL-NACIIM, Sidoo kale magaaladdu waxay leedahay Garoon diyaaradeed oo shaqeeya isbuucii ama labaddii isbuuc ba hal mar, halkaas oo ay ka soo degto diyaarad ka timaadda magaaladda MUQDISHO.
Magaaladda gudeheeda ma jiro maamul gaar ah oo ka taliya laakiin waxa jira afar maamul oo mid ba dhinac kaga jiro magaaladda Buuhoodle,
waxana ka mid ah Soomaaliland, Puntland, Khaatumo state, iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya, mid kastana mashaariic horumarineed ayuu ka gaystaa degmadda, marka laga reebo Itoobiya oo xadkeeddu maro magaaladda dhexdeeda .
Buhoodle waa magaalo wayn, waxayna caan ku tahay ciidda cas, mutullo si qurux baddan loo dhisay iyo laba geed oo magaladda aad uga baxa kuwaas oo soomaaliddu u kala taqaano XODEY IYO XAGAR.
Siddoo kale Caanaha Geella iyo muqumadda ama Odkaca ayaa aad looga jecel yahay magaaladda.
Magaladdu waxay leedahay meelo baddan oo caan ah laakiin waxa ugu magac dheer maqaaxi shaah caana geell leh laga cabo oo lagu magacaabo DALAB, iyo Hotel lagu magacaabo ABDI GUREY oo ah halka uu deggen yahay Pro Cali Khaliif Galaydh.
Intii aan magaaladda joogay waxaan soo booqday Alle haw naxariistee xabaasha Abwaan Cali Dhuux, sidoo kale mutulkii uu degnaan jiray markii uu noollaa iyo Balligii la odhan jiray Buuhoodle ka hor inta aanay magaallo noqon dhamaantoodna waan soo sawiray hoos ayaad ka arkaysaa.
Xogtan aan idin soo gudbiyey waxa si qoto dheer iga sheekeeyey oday ka mid ragga magaladda ugu magaca dheer oo lagu magacaabo.
Cabdi Xaaji Cumar Caydh Boob
(Cabdi Ciir).
Waxa Qoray Abwaan Maxamed Saalax Maarre.

Comments
Post a Comment