Posts

IGA RAALI AHOW: W/Q Maxamed Saalax Maarre

Image
Magaca Derisigg a IGA RAALI AHOW.. 12 erey oo ay ka kooban tahay kelmedda Iga Raali Ahow waa asaaska jacaylka dhabta ah, waxay kuu fududaynaysaa inaad ku nolaatid farxad iyo jacayl aan dhamaan hadii rabbi raali ka noqdo. Isku day inaad afkaaga bartid sida loo raali geliyo qofka aad jeceshahay hadii uu khilaaf dhexdiina yimaado ha eegin oo ha raadin yaa khaladka sabab u ahaa hadii aad khaldan tahay xata isku day inaad qofkaas ku tiraahdo iga raali ahow oo aad dejisid si uu qofkaasi u dareemo inaad si dhab ah u jeceshahay.. Markasta oo aad samaysid shay aanu qofkaasi raali ka ahayn isla markaasna aad wejigiisa ka dareentid inuu kaa cadhooday isku day inaad ugu horayn si dareen ah ugu tiraahdid "Waan khaldamay iga raali ahow" maxaa yeelay wuxuu dareemi doona in aadan tahay bini aadam khaldamay, khaladkiisiinna kasoo noqday.. Hadii qofka aad jeceshahay uu khalad kugu sameeyo isla markaasta uu isku dayo inuu khaladka adiga dusha kaa saaro isagoo ka baqaya inuu qirto khaladkii...

MUQDISHOOY MAHADSANID W/Q MAXAMED SAALAX MAARRE

Image
Waxay ahayd 13/Sept/2017, markii iigu horaysay ee aan arkay ama dhex tegay magaladda Muqdisho, aniga oo u tegay safar dheer oo aan dhulka Soomaalidda oo dhan ku baranayey kaas oo aan ugu magac darray (NABAD & JACAYL), ujeedkiisuna ahaa dal barasho iyo dad beerasho, ka hor inta aannan ka degin garoonka diyaaradaha Adan Adde Airport, waxaan soo maray magaallooyinka ay ka mid yihiin Hargaysa, Berbera, Burco, Garoowe, Qardho, Boosaaso, Hadaaftimo, Badhan, Ceergaabo, Dhahar, Laascaanood, Buuhoodle, Eyl, Gaalkacayo, Cadaado, Beledwayne, Iyo Boorama oo ahayd halkii aan safarka ka soo Bilaabay, dhamaantoodna waxaan ku soo qaatay wakhti qiimo badan. Magaladda Muqdisho waxan ku sugnaa muddo ku dhaw laba bilood muddadaas aan ku sugnaa magaladda waxan ku bartay asxaab aad u tiro baddan, siddoo kale waxan ku arkay waxyaabo aan aad ulla yaabay, kuwo aan ka naxay, iyo kuwo aan ku farxay intaba, Muqdisho intii aan ku sugnaa waxan hellay hanti lacag...

SABTIDDII MADOOBAYD W/Q MAXAMED SAALAX MAARRE 14/10/2017

Image
Goor sheegtu waxay ku beegnayd 12 duhurnimo, waxan isu diyaariyey siddii aan uga qayb qaaddan lahaa, qaddo sharaf ay igu casuntay gabadh walashay ah oo lagu magacaabo Basra, taas oo isoo sheegtay laba maalmood ka hor in ay maalinta sabtida ii qaddo samaynayso, intii aan diyaar garoobayey ayey saacaddu gaadhay wakhtigii salaadda duhur, kadib waxan door bidday in aan ku sii tukaddo xaafadda maadama ay aad u kala fog yihiin gurriga aan u qaddo tegayo iyo gurriga aan joogo, kadib markii aan tukadday salaaddii duhur ayaan ka baxay xaafadda saacadduna waxay tilmaamaysay 1-dii duhurnimo, aniga oo usii jeedda degmadda Shibis kana tegaya degmadda Wadajir oo ah, halka aan magaladda ka degenahay. Waddada oo mashquul ahayd darteed waxay igu qaadatay muddo hal saac ah siddii aan ku gaadhi lahaa degmadda Shibis oo ay igu sugaysay walashay Basra oo qaddo iigu samaysay halkaas. hadda saacaddu waa 2:07 PM waxan hor taaganahay gurrigii lay tilmaamay laakiin inta aanan soo gaadhin ka hor waxa albaabka ...

JACAYLKII AGOOMOOBAY W/Q MAXAMED SAALAX MAARRE

Image
JACAYLKII AGOOMOOBAY  Ugu horayn waxay ku kulmeed siminaar looga hadlayey gudniinka fircoonigga ah, waxay ahayd maalintii koowaad ee ay kulmaan labadooda indhood isla markaasna uu mid ba mid ka kale xiiseeyo siddii uu ku baran lahaa. Kulankoodu wuxuu ahaa sadexdii maalmood ee siminaarku socday, lakin isaggu wuxuu ku dhiiraday in uu la hadlo maalintii uu soo xidhmayey siminaarku, iyaduna weji wanaagsan bay ku aqbashay, waa lays bartay in yar oo kaftan ahna walays waydaarsaday, xili kaftanku socday ayuu u hoos geliyey meel uu kala soo xidhiidhi karo haddi ay is waayaan, iyadduna reer magaal bay ahayd oo daran doori bay ugu yeedhisay todobaddi lanbar ee ay sidatay iyo facebook-ga nuqulka ay ka isticmaasho, Gobanimo!. Maalintaa wixii ka danbeeyey waxa bilaabmay xidhiidh xiise iyo kaftan joogto ah wata, midba midka kale dhankiisa ayuu u soo badanayey, midkasta waxa ka awood waynaaday xiisaha uu kan kale u qabo iyo weliba jacayl yar oo aan afartankii ka bixin. Habeen ayuu casho ku ...

WAX KA BARRO TAARIIKHDA BUUHOODLE W/Q MAXAMED MAARRE

Image
Buuhoodle waxay magaaladda Burco u jirtaa 250 KM, siddoo kale Buuhoodle waxay mahaladda Laascaanood u jirtaa 155$, magaladda Gaalkacayona waxay u jirtaa 255 KM, laakiin waddada Gaalkacayo loo maraa waxay ka gudubtaa xuduuda itoobiya iyaddoo halkaas kaga dhacda Gaalkacayo. Magaaladda Buuhoodle waxay leedahay tariikh aad u fac wayn, Ugu horayn sida ay ii xaqiijiyeen odayaal deegaanka ah, magaca Buuhoodle asal ahaan waxa la yiraahdaa BALLI ku yaala duleedka magaladda kaas oo jiray ilaa labo qarni wakhtiyaddii horena Soomaaliddu aad uga cabi jirtay, sidoo kale balligaas waxa ku dhashay Alle haw naxariistee Abwaan Cali dhuux Aadan, haddana wuxuu ku aasan yahay baligga dhinaciisa, laakiin magaladdu waxay dhisan tay 1954-tii intii ka horaysayna Balligaas aya la odhan jiray Buuhoodle. Magaaladda Buuhoodle dadka ku nool intooda baddan waa xoolo dhaqato, taariikh ahaana waa magaaladda ugu baddan ee ay ku dhasheen abwaaniintii soomaaliyeed, kuwoodii ugu magaca dheeraa, waxana ka mid ah Sayi...